Waxaa maalinkii saddexaad maxkamadda racfaanka ee dalka ay dhageysanaysaa dacwado ku saabsan qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Qareenada matalaya dhinacyada doonaya in aan qorshahan lagu tallaabo qaadin ayaa maanta fursad la siiyay.
Garyaqaanada ayaa ku doodaya in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uusan isagoo adeegsanaya awoodiisa billaabi karin olole wax looga beddelaya xeerarka wadanka.
Waxay sheegeen in madaxweynaha laga doonayo inuu xilka wareejiyo si uu qof muwaadin ahaan uu qayb uga noqdo qorshaha BBI ee ay iska kaashanayaan isaga iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Toddobo garsoorayaal oo uu hoggaaminayo madaxa maxkamadda racfaanka Daniel Musinga ayaa dacwadaha la horgeeyay dhageysanaya si ay u ayidaan ama waxba kama jiraan uga soo qaadaan amarkii 13-kii bishii shanaad ee sanadkan ay maxkamadda sare ku laashay BBI oo ay ku tilmaantay sharci darro.