Shirka golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kadib markii la qanciyey madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo shalay qaadacay shirka.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in shirkan, oo uu oo uu guddoominayo ra’iisul wasaaraha looga hadlayo dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii bishii Shanaad eeMay ee hannaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Goor sii horeysay, xafiiska Rooble ayaa sheegay inuu ka raali-geliyey madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudaalwe tabasho uu ka qabay ka qeyb-galka shirka.
Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku sheegay inaanu ka qeyb geli doonin shirka wada-tashiga qaran ka dib markii uu sheegay inaan lagala tashin, sidoo kalena wixii kasoo baxa aysan quseyn.
Qoraalka xafiiska xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen rooble oo telefoonka kula hadlay madaxweynaha Hirshabeelle Guudlaawe ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga.”
Guudlaawe ayaa maalmihii dhowaa ku sugnaa dalka Turkiga, ayaa shirka maanta furmay uga qeyb-galaya aaladda muuqaal aragga fog ee Zoom.