Madaxweyne Farmaajo oo Jabuuti ugu hambalyeeyay sannad guurada 44-aad ee xornimadooda

0
422

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda dalka Jabuuti u diray hambalyo ku aaddan sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalkii ay ku bixiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed halgankii gobanimo doonka ee Jabuuti, taas oo ka turjumeysa is garab-taagga walaalnimada iyo naf-hurnimada leh ee ka dhexeeysa labada dal.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka wadanka Jabuuti in ay adkeystaan oo ayna xoojiyaan isku duubnidooda iyo midnimadooda, waxa uuna alle uga baryay baarwaaqo, nabad waarta iyo horumar ka sii ballaaran mid ay haatan haystaan.