Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa xalay fiidkii ku booqday isbitaalka Mbagathi ee magaalada Nairobi ciidamadii difaaca dalka ee KDF-ta ay dhaawacyadu kasoo gareen shilkii diyaaradeed ee subaxnimadii Khamiista laga soo tabiyay aagga Ole Tepesi ee Ngong oo ka tirsan ismaamulka Kajiado.
Mr Kenyatta ayaa xaaladooda ka wareystay saraakiisa ay dhaawacyadu soo gareen, isagoona u rajeeyay caafimaad degdeg ah.
Ugu yaraan 10 ka mid ah ciidamada ayaa shilka ku dhintay halka 13 kalena ay dhaawacmeen.
Diyaaradda oo ay leeyihiin ciidamada hawada dalka ayaa halkaasi ugu ambabaxday tababar dhanka howlgallada ah.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo isbitaalka ku booqday ciidamadii KDF-ta ay dhaawacyadu kasoo gaareen...