Booliska oo xiray dhamaan shaqaale hotel ka dib markii loo diiday hambeegar bilaash ah

0
962

Koox ka tirsan booliska Pakistaan ayaa wajaheysa ganaax kadib markii ay xireen 19 ka mid ah shaqaalaha maqaayada cunada laga cuno ee ku taal Lahore iyaga oo diiday inay siiyaan cunno ama hambeegar bilaash ah.
Sida laga soo xigtay warbixinnada maxalliga ah, shaqaalaha hudheelka cuntada ee Johnny & Jugnu ee ku yaal magaalada Lahore, Pakistan, ayaa la soo qabtay oo la xidhay abbaaro Sabtidii waxaana lagu xidhay habeenimadii iyaga oo diidhay koox bilays ah oo doonayay cunno lacag la’aan ah.
Shaqaalaha ayaa la sheegay in la xiray iyaga oo aan loo oggolaan inay xiraan jikada iyo hoteelka iyo macaamiisha oo saf ugu jira dalabkooda.
Bayaan rasmi ah, wakiilada Johnny & Jugnu ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdada, iyagoo sharxay in sababta loo xiray shaqaalaha ay tahay diidmada inay siiyaan booliska hambeegar bilaash ah.
Arrintan ayaa la sheegay inaysan ugub ku ahayn maqaayada oo marar hore booliska ay dalban jireen cunno bilaash ah.
Maamulka hoteeljka ayaa sheegay in maalmo ka hor ay xireen maamulaha guud ka dib neh qaateen hilibka digaagta ee loo yaqaano “chiken-ka”.
Dhacdadan ayaa muran ka dhalisay baraha bulshada waxayna ku khasabtay sarkaalka ugu weyn booliiska gobolka Inam Ghani inuu shaqada ka joojiyo saraakiishii ku lugta lahayd xarigga sharci darrada ah.