Maxkamada oo ayiday magacabida Anne Kananu Iyo Xilka qaadista Mike Sonko

0
461

Maxkamada sare ayaa ayiday magacabista, turxaan bixinta iyo magacaabida guddomiya ku xigenka Nairobi Anne Kananu Mwenda.
Garsoorayaal saddax ah ayaa sheegay in magacabista Ms.Kananu aan laga laaban, waxayna Meesha ka saaryan warqad uu soo qoray guddomiyihi hore ee Naierobi Mike Sonko oo uu kuka noqday magacaabisteeda.
Go’aanka ay isku wada raaceen saddaxda garsoore ee kala ah
Juma Chitembwe, Wilfrida Okwany iyo Weldon Korir ayaa maicnihiisu yahay in aan la qaban doonin doorasha ku celis ah oo lagu badalayo Mike Sonko.

Garsoorayaasha aya arkay in xilka qaadista Sonko aysan saamayn ku lahayn magacaabista Ms.Kananu halka golaha baarlamanka hoose ee Nairobi ay qaab sharci u turxaan bixiyeen.

Maxkamada aya sheegtay in maadama ya Golaha wakiilada Nairobi ansixiyeen Ms.Kananu umaysan baahanayn inuu si rasmi ah Mike Sonko u magacaabo.

Maxakamda ayaa sido kale go’aamisay in Mike Sonko xil ka qaadistiisa ay ahayd mid sharci ah, taasi oo wadada u xaareyso in Anne Kananu loo dhaariyo guddomiyaha Ismamulka Nairobi.