Qaban qaabada maalmaha xoriyadda Soomaaliya oo bilaabatay

0
473

Gudiga golaha wasiirada oo qaban qaabinaya munasabadaha maalmaha xoriyada ee dalka Soomaaliya ee nagu soo wajahan ayaa kormeeray xarumaha ay ka dhici doonaan Maalmaha xoriyadda halkaas oo ay ka socoto diyaar garow adag oo la isugu diyaarinao munaasabadhani.
Gudigaan oo uu hoogaaminayay wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fadraalka ah ee Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa kormeerkooda ka bilaabay tiyaatarka qaranka halkaas oo kooxda hobolada waabari ay ka wadaan diyaar garowga iyo isku dubaridka hobolada fanka ee ka qeyb qaadan doono munaasabadaha xoriyadda.
Gudigaan ayaa u sii gudbay dal jirka Dahsoon halkaas oo laga wado qurxin iyo naqshadeyn kuwaas oo loogu tala galay dabaal daga shacabka Soomaaliyeed waxaana halkaasi gudiga ku soo dhaweeyay dhalin yaro damaashaad iyo diyaar garow u joogtay daljirka ayagoo wasiirada qaar ka mid ah ay wax ka qabteen shaqadii halkaasi laga waday.