Maraykanka iyo Shiinaha oo ka wada hadlaya kulan ay yeelanayaan wasiirrada dibadda

0
455

Dowladaha Maraykanka iyo Shiinaha ayaa waxaa u socdo wada hadallo ku aaddan in toddobaadka dambe wasiiradooda arrimaha dibadda ee kala ah Antony Blinken iyo Wang Yi ay kulmi karaan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in mas’uuliyiintan ay ku kulmaan shirkada wadamada G20 oo lagu qabanaya Talyaaniga.
Waxaa sidatan ku warramaya wargeyska Financial Times oo soo xiganaya saraakiil xog ogaal ah.