Hoggaamiyaasha caalamka ayaa kulan ay kaga arrinsanayaan xaaladda ka taagan wadanka Liibiya ku yeelanaya magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.
Waxay doonayaan in xal siyaasadeed loo helo wadankaasi oo ay tan iyo sanadkii 2011-kii dagaalo ka jireen.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo Liibiya ay doorasho guud ka dhacayso 24-ka bisha Diseembar ee sanadkan.
Waxaa wada hadallada hormuud ka ah qaramada midoobay .
Wakiillo matalaya maamulka ku meel gaarka ah ee Liibiya ayaa la filayaa in ay halkaasi kula kulmaan wasiirrada arrimaha dibadda ee Maraykanka , Faransiiska iyo Masar.
Jimciyadda qurmaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in ilaa 20,000 oo ah ciidamo shisheeye ay ku sugan yihiin gudaha Liibiya.