Guddiga IEBC iyo madaxda warbaahinta oo ka hadlay qaabka ay u wada shaqayn karaan

0
382

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay inuu kulan la qaatay wakiillo matalaya shirkadaha warbaahinta wadanka.
Waxaa shirka diiradda lagu saaray sida ay arrimaha doorashooyinka uga wada shaqeyn karaan guddiga iyo saxaafadda.
Qodobbada kulanka ka soo baxay waxaa ka mid ah in la xoojiyo wacyigelinta codbixiyayaasha iyo xaqiijinta in warbaahinta ay geeddisocodka codeynta shacabka ula wadaagto si ay dhexdhexaadnimo ku dheehan tahay.
IEBC ayaa dhanka kale u mahadcelisay cid kasta oo kaalin ku lahayd in lagu guulaysto barnaamijyadii muddo hal toddobaad ah lagu wacyigelinayay dadweynaha ee la soo gabagabeeyay 20-kii bishan.