Kenya oo la filayo in ay daawooyinka tallaalka ka la soo wareegto Maraykanka

0
309

Waxaa uu qorshuhu yahay in dhammaadka bishan wadanka la soo gaarsiiyo daawooyinka tallaalka cudurka COVID19 gaar ahaan nooca Pfizer oo laga keenaya Maraykanka.
Isniintii ayay ahayd markii ay dowladda Kenya 630, 000 oo kuuro oo ah daawooyinka AstraZeneca ay kala soo wareegtay Denmark.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in tallaal dheeraad ah oo la keeno wadanka ay sii xoojinayso la tacaalidda caabuqa corona.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo ilaa iyo hadda in ka badan hal milyan oo qof cudurka COVID19 looga tallaalay gudaha wadanka.
Dowladda Kenya ayaa tallaalka billowday ka dib markii ay bishii labaad ee sanadkan heshay 1.02 milyan oo ah daawooyinka ka dhanka ah cudurka.