Warakii ugu danbeeyay ee tirinta codadka doorashada Itoobiya

0
514
An election official counts voting ballots during the Ethiopian parliamentary and regional elections, in Jimma, Ethiopia, June 21, 2021. REUTERS/Tiksa Negeri

Tirinta coddodki laga dhiibtay dorashadi shalay looga dareeray dalka itoobiya ayaa wali ka socota inta badan maggalooyinka dalkaasi sida Addis-ababa, Diridhawa, Bahir-Dar, jimma iyo kuwa kale oo badan.
Tani ayaa noqonaysa tijaabadii doorasho ugu horaysay ee uu wajaho Raisul-wasaraha itoobiya Abby Axmad Cali,
Wadanka labaad ee ugu dadaka badan qaraddani Africa ayaa Isniinti, shalay ahayd looga dareeray goobaha codbixinta kadib mudo sanad ah oo dib loo dhigay dorashada guud ee dalkasi sababao la xiriira cabuqa covid-19.
Balse dibu dhigisti dorashadaasi waxaa qaadacay ururka Tplf ee ka arimin jiray degaanka Tigray ee waqooyiga dalkaasi itoobiya taas oo sababtay in dagaal adag uu ka dhex qarxo dawladda dhexe ee itoobiya iyo maamulki gobalkaasi ee fadhigiisu ahaa magalada Makkale.
Xisbiga haya talada dalkaasi ee PP, oo uu aas’aasay Abby Axmad ayay doorashadani ku soo gashay isaga oo wajahaya caadaadis xoogan oo kaga imaanaya wadamo uu ka mid yahay maraykanka iyo hayadaha u dooda xuquuqda adanaha kawaas oo warbixinadooda ku sheegay in gabood falo ka dhan ah xuquuqda adanaha ay ka dhaceen gobalkaasi intii uu socday hawlgalki milatari ee lagu qaaday gobalka tigrayga ee waqooyiga dalkaasi itoobiya.
Mr.Abby oo xafiiska ugu sareeya Itoobiya, la wareegay bishi April sanadki 2018-ki kadib is casilaadi Raisul warahii hore ee dalkaasi Hailemariam Desaleg, ayaa bilowgi kobaad qaaday talabooyin is aada lagu amaanay oo dhawr ah oo ay kamid ahayeen sidaynti maxabiisti u xirnaa siyaasada, heshiisyo uu la galay jabhado dhawr ah oo ka dagaalamayay dalkaasi iyo heshiiski dhex maray dawladaha itoobiya iyo Eritrea, oo so af jaray colaad mudo 20 sano ah ka dhaxaysay xukumada Addis-Ababa iyo Casmara, taas oo u ku mutaystay 2019-ki in la gudoonsiiyo shahaadada nabada ee Nobel Peace Prize.
In ka badan 37-millon oo cod bixiyaal ah ayaa isu diwaan galiyay dorashada itoobiya ee sanadkan sida ay shegeen gudiga dorashooyinka Itoobiya iyaga oo kala doranaya musharixiin kor u dhaafaya 9,000-kun oo loolan ugu jira kuraasta kala duwan ee wadankasi, 46 xisbi ayaa ka qayb qadanaya dorashada sida laga soo xigtay gudiga dorashooyinka dalkaasi.
Itoobiya waxaa dhanka kale hareeyay dagaladda u dhaxeeya qowmiyadaha dalkaasi oo ay kunaf wayeen dad aad u tira badan.
Degaanada qaar ee dalkasi ayaa bilaabay in ay ku dhawaqaan natiijadda hor dhaca ah ee dorashada iyada oo xisbiga haya talada dalkaasi ee PP, uu hogaanka u hayo cododka ilaa iyo hatan la tiriyay, gudiga dorashooyinka dalkaasi waxay haysta sharci ahaan mudo shan malmood ah oo ay ugu dhawaaqi karaan natiijada dorashada.
Tiro aad u badabn oo cabashooyin ayaa lagu soo waramayaa in loo soo gudbiyay gudiga dorashooyinka dalkaasi oo la xiriira wax isdaba marin iyaga oo ka jawaabaya arinkani waxay shegeen gudiga u xil saaran dorashooyinka inay barayaan cabashooyinka la soo gaar siiyay.
sadex qof ayaa la dilay kaddib markii weerar lagu soo qaaday goob codbixin ah oo 160 km u jirta magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya isla markaana u dhow hoyga ra’iisal wasaaraha dalkaasi itoobiya.
magalooyin kale oo dhawr ah ayaa dhankooda laga soo tabiyaisku dhacayo noocan oo kale ah.
Deganada Tigrayga iyo somalida ayaa dib loo dhigay dorashadooda.