Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamay ansixinta hay’ado aan asaga soo marin

0
421

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa digniin ka soo saaray ku dhaqanka shuruuc iyo dhismaha hey’addo sharci darrro ah oo aan soo marin Aqalka uu hoggaamiyo, kuwaas oo ah illaa lix sharci iyo hey’addo la ansixiyay intii ay jirtay xukuumadda xil gaarsiinta.
Ansixinta wax ka bedelka sharciga maareynta guud, ansixinta guddiga madaxa banaan ee musuqmaasuqa, golaha adeegga garsoorka, ansixinta sharciga hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha,wax ka bedelka sharciga lagu dhisay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.
War saxaafadeedka ayuu goluhu ku sheegay iney si dhaw ula socdaan, isla markaana u diiwaan galiyeen dhamaan isku dayada, iyo wareegtooyinka lagu dhaqan galinayo shuruuc, laguna sameynayo hey’addo khilaafsan dastuurka KMG ah, kuwaasoo aan soo marin aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Golaha Aqalka Sare wuxuu ku war galinayaa digniintan dhammaan hey’adaha Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hey’adaha Bulshada Rayidka ah, iyo hey’adaha Caalamiga ah ee kaalmeeya Soomaaliya.