Wafdi ka socday Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, uu na hoggaaminayo Dr. Jamaal oo ah madaxa malaria-da hay’addaasi ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusamareeb iyagoo wasaaradda caafimaadka Galmudug ka caawinaya dhaqaajinta mashaariicda caafimaad ee Galmudug hore u dalbatey.
Wafdigan oo ka koobnaa farsamo-yaqaano iyo khubaro Caafimaad ayaa kormeeray xarunta Caafimaadka Xanaano ee Dhuusamareeb gaar ahaan qaybaha, hooyada iyo dhalaanka, qaybta bukaan jiifka, qaybta talaalka iyo qaybta oxygen-nada oo dhamaantood adeeg dhameystiran siiya bulshada ku nool Dhuusamareeb iyo deeganada nawaaxigeeda.
Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradda, agaasimaha guud iyo agaasimo waaxeedyada ayaa kulan kula yeeahay Mas’uuliyiiinta WHO xarunta Wasaaradda Caafimaadka, halkaa oo lagu wadaagey xogta Caafimaad ee Galmudug iyo baahiyaha waaweyn ee wax ka qabashada u baahan.