Waaxda DCI oo ku baaqday in hadii hanti lagaaga dhacay Nairobi aad warbixin gudbiso

0
572

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa dadweynaha ugu baaqday in hadii uu jiro qof hanti looga dhacay ismaamulka Nairobi uu laamaha ammaanka warbixin arrinkaasi ku aaddan u gudbiyo.
Waxaad warbixinta gayn karta xafiisyada waaxdan ee bartamaha caasimadda.
DCI ayaa sheegtay in kastoo dad badan marka dhibaatooyinkan lagula kaco ay qoraallo soo dhigaan baraha bulshada haddana ay lagama maarmaan tahay in ay saraakiisha ammaanka la wadagaan faahfaahin rasmi ah si dabagal loo sameeyo.
Tallaabadan ayaa fududeyn karto in dacwad lagu soo oogo eedeysanayaasha marka gacanta lagu dhigo.
Waaxda ayaa intaa ku dartay in ay ka go’an tahay badbaadinta nolosha iyo hantida shacabka iyada oo tallaabada sharciyeed ee ku habboon laga qaadaya cid kasta oo ku lug lahaato falal dambiyeedyada.