Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo cabsi ka qabo in dagaal sokeeye uu ka billowdo Afghanistan

0
413

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistani Imran Khan ayaa muujiyay walaac ah in dagaal sokeeye uu ka qarxi karo wadanka Afghanistan hadii aan la gaarin heshiis nabadeed.
Waxaa uu dowladda Maraykanka ka codsaday in ay hesho xal siyaasadeed ka hor inta aynan ciidamadeeda kala bixin wadankaas.
Waxaa uu meesha ka saaray suurtagalnimada la xiriirta in Pakistan ay martigelin karto ciidamada Maraykanka si looga duulo wadamada kale.