DHAGEYSO:Peter Kenneth oo soo dhaweeyay wada shaqeynta Jubilee iyo ODM

0
410

Xildhibaankii hore ee deegaanka Gatanga ee ismaamulka Murang’a sidoo kalena u tartamay madaxtinimada wadanka Peter Kenneth ayaa soo dhaweeyay wada hadal u socdo xisbiyada Jubilee iyo ODM oo lagu soo dhisayo isbeheysi siyaasadeed.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu taageerayo qorshahan cusub oo uu ku tilmaamay mid hadii laga dhabeeyo sii xoojin doono xasiloonida ka jirta wadanka .
Waxaa uu xusay in tan iyo markii ay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha ODM Raila Odinga ay heshiiyeen sanadkii 2018-kii xal loo helay caqabado siyaasadeed oo muddo soo jiray