Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay Arrimaha doorashada

0
408

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.
Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Danjire Kate Foster uga mahad celiyay taageerada ay dowladda Ingiriiska siiso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Dowladda Britain ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay ka caawisaa Arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka iyo Amniga.