Waxaa ugu dambeyn maanta iyada oo badqabto la helay Xafsa Maxamad Luqmaan oo ah gabadh soomaaliyeed oo maalmo ka hor la waayay kadibna baraha bulshada lagu faafiyay sawiradeeda oo uu ka muuqdo jir dil.
Gabadhan oo la afduubtay ayaa waxaa haysatay koox qoyskeeda ka dalbatay lacag madax furasho ah oo dhan 5 milyan oo shilin.
Xubnaha qoyska ayaa abaare 10:30 barqanimo ee maanta idaacadda Star FM u xaqiijiyay in xafso iyada oo nool laga helay xaafadda Kayole ee ismaamulka Nairobi sidaas awgeedna lagu sameynaya baaritaan caafimaad.
Laamaha ammaanka ee dalka ayaa baaritaano waday waxaana ugu dambeyn Xafso lagu soo badbaadiyay howlgal laga fuliyay halkii lagu hayay .
Waxaa howlgalka fuliyay ciidamada baaritaanada ku sameeya falal dambiyeedyada , sirdoonka iyo qaybta adeegga gaarka ah.
Xafso oo ay dhaawacyo muuqda kaga yaallaan wajiga iyo gacmaha ayaa si degdeg ah loo geeyay xarun caafimaad si ay daryeel u hesho.
Zakariya Maxamad Luqmaan oo ah Xafsa walaalkeed ayaa idaacadda Star FM siiyay wareysi gaar ah waxaa uuna u warramay Maxamad Axmad Khaliif .
Dhanka kale waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa xaqiijisay in ciidamada ammaanka ay soo badbaadiyeen Xafso Maxamad Luqmaan oo loogu tagay guri ku yaalla aagga loo yaqaano Matopeni ee xaafadda Kayole ee ismaamulka Nairobi.
Qoraalka waxaa qayb ka ah in gabadha lagu hayay guri mugdi oo aan nadiif ahayn iyada oo lagu qasbay in ay dhex gasho mid ka mid ah haamaha biyaha lagu keydsado.
Waaxda ayaa u mahadcelisay cid kasta oo gacan ka gaysatay in gabadha la soo helo.
Sidoo kale waxay sheegtay in hal eedeysane ay da’diisu tahay 24 sano la qabtay halka digniin adag loo diray cid kasta oo iskudayda ama damacsan fal dambiyeed noocan ah.
Laamaha ammaanka ee dalka ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha la qabtay uu ka caawin doono in gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadkii kale ee ay ka wada shaqeyeen afduubka.
Gabadhan oo 23 sano jir ah ayaa ka mid ah ganacsatada suuqa Kamukunji ee magaala madaxda wadanka waxaana la waayay Talaadadii la soo dhaafay 15-kii bishan taasoo walaac wayn ku beertay bulshada soomaaliyeed si aad ahna loogu hadal hayay baraha bulshada.
Labo gabdhood oo kale oo la waayay ayaa ugu dambeyn la helay in kastoo mid saddexaad aan weli wax war ah laga hayn .