Guddiga caafimaadka ee baarlamaanka oo doonaya in 50 bilyan loo qoondeeyo machadka KEMRI

0
329

Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha caafimaadka ayaa soo jeediyay in machadka sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka ee KEMRI la siiyo miisaaniyad dhaqaale oo dhan 50 bilyan oo shilin.
Xildhibaanka deegaanka Ndiwa Martin Owino ayaa sheegay in lacagtan oo machadka lagu wareejiyo sanad kasta ay ka caawin doonto inuu sameeyo baaritaanada sayniska oo wax ku ool ah.
Xubnaha guddigan ayaa xusay in kasta oo KEMRI ay kaalin wayn ka qaadato la tacaalidda cudurrada in sanado dhowr ah ay haysatay dhaqaale yari taasoo sababtay inuu ku tiirsanaado deeq bixiyaal.
Mr. Owino ayaa intaa ku daray in maadaama KEMRI ay hadda si wayn uga qayb qaadanayso la dagaalanka cudurka faafaya ee COVID19 ay lagama maarmaan tahay in laga taageero dhanka dhaqaalaha.