Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulan wax ku ool lagu Tilmaamay la yeeshay Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Volkan Bozkir.
Wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya ayaa Madaxweynaha uga war bixiyey xaalada dalka Soomaaliya, guulaha ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay & horumarka ay ka gaartay arrimaha Siyaasadda, amniga & kaabayaasha dhaqaalaha wadanka.
Madaxweynaha ayaa dhankiisa ka mahadceliyey booqashada wasiirka & horumarka dowladda Soomaaliya ay ku talaabsatay sanadihii ugu danbeeyay, wuxuuna sheegay inay sii labo jibaari-doonaan taageeridda QM ay Siiso dalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maalmahan ku suganaa dalka Mareykanka isagoo intii uu halkaas ku suganaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda wadanka Soomaaliyaa.