Ciidamada gaashaan dhigga dalka ee KDF-ta ayaa ku biiraya saraakiisha howlgalka nabad sugidda ee dalka Congo.
Waxay halkaasi kula dagaallami doonaan fallaago dhibaatooyin ku haya shacabka oo ka soo horjeeda dowladda wadankaasi.
Taliyaha guud ee KDF-ta Robert Kibochi ayaa ciidamada ka qayb qaadanaya howlgalka u sheegay in ay sida habboon u gutaan waajibaadkooda .
Waxaa uu uga digay in ay ku lug lahaadaan falalka wax u dhimi karo sumcadooda.
Kibochi ayaa sheegay in saraakiisha difaaca laga doonayo in ay ilaaliyaan sumcadda Kenya ee gudaha dalkaasi Congo.