Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii shalay lala begsaday dhallinyaro loo qorayay Ciidamada kaasoo ka dhacay Afafka hore ee Xerada Generaal Dhagabadan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhallinyaradaas iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa.
Waxaa uu xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo ku weheliyey kormerkaan Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay inay dalkooda iyo dadkooda difaacaan, aysanna ka hor istaagi karin weerarrada ay ku hayaan Shabaabku.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa kormeerka kadib wuxuu Warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Madiina oo la geeyay dhaawacyada dhalinyaradaas.
Waxaa uu sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay difaaca dalkooda hooyo.
Sidoo kale, Rw Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duubnaan ay ka guuleysan karaan cadawgaooda, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada ah si looga sifeeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Waxaa uu tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarkaan ka dhacay Afafka hore ee Xerada Janeraal Dhegabadan oo ku taala Warshadii hore Nacnaca ee degmada Wadajir.