Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay tahay in la ilaaliyo heshiiskii doorashada

0
292

Madaxwenaha dowlad goboleedka Puntland Saciid cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dadaalo uu sameeyay ay sababtay in heshiis siyaasadeed ay madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ka gaaraan arrimaha doorashada Soomaaliya.
Deni oo Maanta khudbad ka jeediyay Kal-fadhigii 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa sheegay in heshiiska doorasho ee la gaaray uu soo maray heerar kala duwan oo mararka qaar sababtay in dalka uu meel xun gaaray.
Waxaa uu ka dawaajiyay in dadaaladii la sameeyay si looga baaqsado xaalad xun oo uu dalka galo ay sababtay in la isku tanaasulo, isla markaana 17-kii Bishii may la gaaro heshiis dhanka doorashada ah.
Ugu dambeyn waxaa uu Deni sheegay in uu filayo in la ilaaliyo heshiiska doorashada ee lagu gaaray magaalada muqdisho, isla markaana la fuliyo qodobada heshiiska.