Shiinaha: NATO yaysan buunbuunin halista ay nagu tilmaantay

0
389

Dowladda dalka Shiinaha ayaa gaashaan buurta NATO ka dalbatay inay soo afjarto waxa loogu yeeray buunbuun la xiriirta in xukuumadda Beijing ay halis ku tahay reer galbeedka.
Tani ayaa timid ka dib markii NATO ay wacad ku martay in ay ka falcelinayso xeerarka Beijing oo lagu sifeeyay caqabado qaabeysan.
Shiinaha ayaa soo jeediyay in horumarka dalkiisa uu gaaray loo qiimeeyo si dhexdhexaadnimo ay ku dheehan tahay oo ismari waaga siyaasadeed ee kala dhexeya Maraykanka aan lagaga faa’iidaysan.