Afhayeenka dowladda oo la kulmaya mataatuulayda

0
290

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa maanta kulan la qaadanaya ganacsatada ku shaqeysta gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galaya mas’uuliyiinta ururka mulkiilayaasha baabuurtan iyo daryeelka mataatuulayda
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa sida howlwadeenadan ay dowladda garab ugu siin karaan la tacaalidda cudurka COVID19.
Oguna ayaa qoraal uu dhawaan soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in sanad kasta shilalka ka dhaco gudaha wadanka ay ku dhintaan 4,000 oo qof.
Waxaa uu xusay in cudurka COVID19 iyo amarrada lagu xakameynaya ay saameyn ku yeesheen nolosha shacabka.
Cyrus Oguna ayaa intaasi ku daray in dowladda iyada oo kaashanaysa saamileyda kala duwan ay xoojin doonto qaabka ay ula dagaallamayso cudurka.