Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta shaaciyay in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay dugsiyada sare ee wadanka ku biiri doonaan 2-da bisha sideedaad ee sanadkan.
Arrinkan ayuu ka hadlay xilli uu daahfurayay barnaamijka lagu kala xulanaya ardayda wax ka baran doono dugsiyada kala duwan kaasoo lagu qabtay machadka horumarinta manaahijta ee KICD.
Prof. Magoha ayaa sheegay in tirada gabdhaha ee sanadkan u gudbaya dugsiyada sare ay tahay 585,942 halka wiilasha ay yihiin 585,323 .
Xarumaha waxbarashada ee heer qaran ah waxaa iska xaadirin doono 17,406 gabdhood iyo 18,848 wiilal ah.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in xulashada ardayda ay tahay mid ku dheehan sinnaan , daahfurnaan, cadaalad iyo natiijada uu ardaygu helay.
Sidoo kale 53,000 oo ka mid ah ardaydii sameeyay imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da sanadkii 2020-kii ayaa codsaday deeqda waxbarasho ee barnaamijka Elimu Scholarship Programme oo ay maamusho wasaaradda waxbarashada.
Wasiir Magoha ayaa sheegay in ardaydii helay buundo dhan 400 iyo wixii ka sarreeya la geynaya dugsiyada heer qaran ee loo yaqaano National ama kuwa ismaamullada ee ay iyagu doorteen.
Wasaaradda tacliinta ayaa tilmaantay in tixgelin la siinaya ardayda qabo baahiyaha gaarka ah iyo kuwa ka soo jeedo xaafadaha isku raranta ah.