Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qaraxa uu isku dhex qarxiyay koox dhalinayro ah oo dooneysay inay ku biiraan ciidanka milatariga ee dalkaasi.
Waxaa ku dhintey 10 qof weerarkani sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage.
Waxaa uu intaa ku daray in 20 kale ay dhaawacmeen.
Taliyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda waxaa uu hadalkiisa ku daray in dhallinyarada sugayeen baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof is qarxiyay, isla markaana haatan ay wadaan baaritaano dheeri ah.
Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waloow weerarrada noocan ah badanaaba ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab.