Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay ganacsade Christopher John Kirubi oo maanta geeriyooday.
Waxaa uu ku tilmaamay in Chris Kirubi uu ahaa ganacsade shirkado badan ka aas-aasay gudaha dalka kuwaas oo guuleystay.
Waxaa uu intaa ku daray inuu ahaa shakhsi howlkar oo kenyaan badan u horseeday shaqooyin.
Mr Kenyatta ayaa dhanka kale sheegay marka laga soo tago aqoontiisa ganacsi ee Mr Kirubi sidoo kale lagu xusuusan doona macallin weyn iyo lataliye ganacsi kaas oo qaar ka mid ah ganacsatada ugu wanaagsan dalka iyo hoggaamiyeyaasha shirkadaha u horseeday shirkado iyo ganacsiyo hormaray.
Waxaa ay da’adiiu ahayd 80 sano jir.
Waxaa uu muddo dheer la xanuunsanaa cudurka Kansarka islamarkaana 1-dii duhurnimo ee maanta u geeriyooday xilli uu ku sugnaa gurigiisa.
Waxaa tacsi tani la mid ah diray madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo sheegay inuu saxiib dhow la ahaa Chris Kirubi.
Ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka ayaa sheegay in ganacsadaha uu ahaa hal abuur ganacsi oo caawin jiray danyarta.
Waxaa uu tacsi u diray qoyskii iyo asxaabti uu ka baxay.
Waxaa uu ifka uga tagay laba carruur ah