Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed ( Abwaanka) ayaa sheegay in dhibaatooyin farabadan lagu qabo dadka ku ganacsanaya hareeraha wadooyinka ee magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Guddoomiyaha Gobolka Bari oo ka hadlayay dabkii Xalay ka kacayay Suuqa Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay waayeen Goobo ay u maraan daminta Dabkaas, taasoo uu sheegay inay mas’uul ka yihiin dadka ku Ganacsanaya hareeraha wadoyinka Magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalatay dabkaas ay qeyb ka yihiin Shirkadaha Korontada oo uu sheegay inaysan xakameyn, taasina ay sababtay inuu si fudud uu dabka ku kaco.
Amarkaan kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed ( Abwaanka) ayaa kusoo aadaya xilli xalay dabka kacay suuqa Magaalada Boosaaso uu baabiyay Goobo Ganacsi oo ku yaala Magaalada Boosaaso.
Carwooyin badan oo dharka lagu iibinayay ayaa gabi ahaanba uu baabi’iyay dabkii Xalay Boosaaso ka Kacay waxayna Ganacsatadu sheegeen in Xiliga uu dabku kacayay ay Dabayl Xooggan Socotay taasoo Sahashay inuu dabku si Xowli ah ku fiday.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Guddoomiyaha gobolka Bari oo digniin u diray ganacsatada magaalada Boosaaso