Waalidiin Maanta banaanbax ka dhigay Magaalada Guriceel

0
475

Qaar kamid ah Waalidiin sheegay in Dhalinyaro ay dhaleen ay dowladda Soomaaliya tababar Ciidan ugu qaaday dalka Ereteriya ayaa waxay Maanta banaannax ka dhigeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud bartamaha dalka Soomaaliya.
Waalidiinta oo watay Boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku cabirayaan dareenkooda ku aadan Carruurta ka maqan, ayna sheegeen in War iyo wacaal midna ay ka heyn ayaa dowlada ka Codsaday inay Helaan Xog ku saabsan dhalinyaradaasi.
Qaar kamid ah Waaldiintiinta oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Khayr iyo Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya ugu baaqeen in Carruurtooda ay si deg deg ah ugu soo celiyaan wadanka.
Waxaay sheegeen inay soo gaareen warar sheegaya in Carruurtooda tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Ereteriya laga qeyb geliyay dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya, waxaana ay dalbadeen inay dowladda Soomaaliya u kala cadeeyso xaqiiqada jirta ee dhalinyaradaas la Xiriirta.
Banaanbaxyada ay dhigayaan Waalidiinta sheegaya inay Carruurtooda uga maqan tahay dalka Ereteriya ayaa waxaay badankood ka dhaceen Magaalada Muqdisho, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka jawaabayay cabashadooda uu u saaray Guddi si ay baaritaan ugu sameeyaan arintaaan.