
Waxaa isa soo tarayaa baaqyada loo jeedinaya madaxweynaha dalka Mudane Uhuru kenyaatta taas oo ku aadan inuu soo magacaabo lixda garsoore ee uu diiday.
Qaar ka mid ah qareenada dalka ayaa si weyn uga soo horjeestay sababaha iyo daruufo la,aanta uu madaxweyne Uhuru ku diiday inuu magacaabo lix garsoore ah oo ay u soo gudbiyeen gudiga adeega garsooka dalka JSC .
Shalay ayay ahayd markii Madaxa cadaalada ee dalka Martha Koome ay ku boorisay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta inuu u dhaariyo lixda garsoore ee uu ku guuldareystay inuu ka soo xusho liiska 40-ka xubnood ee garsoorayaasha ah ay soo jeediyeen guddiga adeega garsoorka ee JSC
Mrs Koome ayay baaqan u dirtay madaxweyne Uhuru Kenyaatta xili ay maanta goob jog ka ahayd dhaarinta xaakinka madaxa maxkmadda racfaanka ee dalka Daniel Musinga.
Madaxa cadaalada ee dalka ayaa u sheegtay Mr kenyaatta inuu soo magacaabo garsoorayaasha lixda ah sida waafaqsan dastuurka dalka.
Martha Koome ayaa sheegtay inay ka warqabto dhibaatooyiinka ka dhex jiraa garsoorka dalka .
Waxaa ayna sheegtay inay yaraatay awooda xaakinadda Kenya.
Sida laga soo xigtay Mrs Koome, Maxkamadda Racfaanka oo awood u leh 30 Garsoore, waxay hadda haysataa oo keliya saddex iyo toban Garsoore, kuwaas oo dhawaan bilaabi doona dhagaysiga kiisaska racfaanka meelaha ka baxsan Nairobi.