Maxkamad ku talla dalka Faransiiska ayaa xukun xabsi oo afar bilood ah ku riday nin maalmo ka hor dharbaaxay madaxweynaha wadankaasi Emmanuel Macron.
Maxkamadda ayaa markii hore soo saartay xukun ah 18 bilood ka hor inta aan laga qafiifin eedeysanaha.
Damien Tarel, oo 28 sano jir ah ayaa xabsiga ku jiray tan iyo talaadadii oo uu dhibkan madaxweyne Macron ugu gaystay goob fagaaro ah xilli uu doonayay inuu salaamo.
Saraakiisha dacwad soo oogidda ayaa falkan uu ninkan ku kacay ku tilmaamay rabshad aan marnaba la aqbali karin.