Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda ugu yaraan hal milyan oo qof ay qaateen daawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
76,807 qof oo tiradan ka mid ah ayaa markii labaad la siiyay tallaalka.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo ilaa iyo hadda gudaha Kenya ay cudurka ugu dhinteen 3,362 oo ay ugu dambeeyeen 17 shalay la diiwaangeliyay.
Sidoo kale wasaaradda maaliyadda ayaa lacag dhan 14.3 bilyan u qoondeysay soo iibsashada daawooyinka tallaalka COVID19.
Si guud waxaa wasaaradda caafimaadka ee dalka miisaaniyad sanadeedka 2021-2022-ka loogu qoondeeyay lacag dhan 121. 1 bilyan oo shilin.
Tirada guud ee kiisaska caabuqa corona ee dalka ayaa ah 174, 285 halka 119,246 bukaan ay cudurka ka caafimaadeen.