Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Howlgalo ka Fuliyo Gobolka hiiraan

0
523
Somali National Army soldiers, some pretending to hold a weapon, take part in a training exercise on March 28, 2013, at the AMISOM Jazeera Training Camp on the outskirts of Mogadishu, Somalia. (Phil Moore/AFP/Getty Images)

Ciidanka xooggga dalka Soomaaliya Qeybta 27-aad ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab waxaay saacadihiia soo dhaafay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Deegaanada howgalka laga fuliyay waxaa ka mid ah Aboorey, Beero-yabal, Wariirey, Gal-boocale ilaa deegaanka Yasooman, kuwaasoo dhammaantood hoostaga degmada Buulo burde ee Gobalkaasi Hiiraan.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalka sida guud uu ciidanka xoogga dalku uga wadaan deegaanada Maamulka Hirshabeelle oo Al-shabaab lagu doonayo in looga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin Maamulka Hir-Shabeelle.
Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka Soomaliyeed General Axmed Maxamuud Maxamed (Tareedisho) oo hor kacayay howlgalka ayaa sheegay inay guul weyn ka gaareen, isla markaana degaano dhowr ah ay kala wareegeen dagaalameyaasha Al-shabaab.