Cabdikariim Axmed Mooge oo ka mid ah Xubnaha Golaha deegaanka Degmada Hargaysa ee dhawaan la Doortay sidoo kalena u taagan qabashada Xilka Maayarka Caasimada Soomaaliland ee Hargaysa ayaa wuxuu ka hadlay wararka sheegaya inuu wado abaabul Banaanbax isaga iyo Taageerayaashiisu ay ku qabanayaan Magaalada Hargaysa .
C/kariim Axmed Mooge ayaa Beeniyay inuu Jiro Banaanbax ay u qorsheeyeen inuu Hargayso ka dhaco wuxuuna sheegay inuusan wali ka tanaasulin hankiisii ahaa inuu Hogaamiyo Magaalada Hargaysa ee Caasimada Soomaaliland.
Dhanka kale Cabdikariim Axmed Mooge ayaa Madaxweynaha Soomaaliland wuxuu ugu baaqay inuu qadariyo Doonista Shacabka ku nool Magaalada hargaysa.