Madaxii hore ee cadaaladda dalka oo baaq u diray madaxweynaha

0
471

Madaxii hore ee waaxda garsoorka Kenya Dr. Willy Mutunga ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku boorriyay inuu magacaabo 6 garsoorayaal oo uu ka tagay ka dib markii loo gudbiyay liis ka kooban 40.
Mutunga ayaa xusay in maadaama xaakinnadan uu soo xushay guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka madaxweynaha laga doonayo keliya inuu magacaabo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xita hadii ay jiraan dhaliilo uu hoggaamiyaha wadanka ku saleeyay go’aankiisa , laga soo gudbay wakhtigii ku habbonaa in arrimahaasi laga hadlo.
Dr. Mutunga ayaa sheegay in xilligii la soo xulayay 41 garsoorayaal oo mid ka mid ah uu geeriyooday aynan jirin warbixin ka timid madaxweynaha oo uu geeddisocodkaasi kaga soo hor jeestay.
Willy Mutunga waxaa uu hoosta ka xarriiqay in guddiga JSC uu gutay waajibaadkiisa dastuuriga ah sidaas awgeedna madaxweyne Uhuru Kenyatta laga doonayay inuu magacaabo dhammaan garsoorayaasha isaga oo aan wax dib u eegis ah ku sameyn liiska loo bandhigay.