Kal-fadhiyada baarlamaanka oo furmaya

0
693

Waxaa galinka dambe ee maanta dib u furmaya kal-fadhiyada baarlamaanka ka dib fasax kooban oo ay xildhibaanada qaateen.
Ka hor fasaxii baarlamaanka ee bishii hore ayay ahayd markii ay mudanayaasha si aqlabiyad leh u ansaxiyeen hindisaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa lagu waday in xubnaha golaha qaran ee xeer dejinta ay eegaan soo jeedino dhowr ah oo la xiriira isbeddello lagu sameynaya dokumeentiga BBI.
Hasa ahaate tani ayaa si ku meel gaar ah loo hakinayaa maadaama maxkamadda sare ay waxba kama jiraan ku tilmaantay geeddisocodkan.
Waxaa la filayaa in xildhibaanada ay meel mariyaan qiyaasta miisaaniyad sanadeedka dowladda ee 3.6 tiriliyoon oo uu u gudbinaya wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yattani.