DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo shaacisay xiliga la furayo wadada Muqdisho iyo Afgooye

0
592

Dowlada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay xilliga rasmiga ah ee xariga laga jarayo dhismaha waddada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Dwgmada Afgooye oo dhismaheeda uu waqti hore soo bilaawday.
Wasiirka Howlaha guud & Guryenta ee Xukuumadda Fedraalka Soomaali ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in xariga laga jaro dhismaha wadada Bishii Febaraayo ee la soo dhaafay balse sababao amni darted uu dib ugu dhacay.
Wasiirka oo la hadlay Warbahinta dowladda ayaa sheegay in dhismaha wadada uu haatan yahay geba-gabo, isla markaana la gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dhawaana xariga laga jari doono.
Ugu dambeyn Wasiirka Howlaha guud & Guryenta Soomaali ayaa sheegay in marka la dhameystiro wadadaan ay kasoo bixi doonto waddo muhiim u ah isku socodka Magaalada Caasimada Muqdisho & degmada Afgooye.

Wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye oo dhowr sano uu socdo dhismaheeda ayaa waxaa ka dhacay qaraxy qaarkood ismiidaamin ahaa, kuwaasoo lagu dilay Injineero Turki ah iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.