Milatariga Soomaaliya oo Howlgalo qorshaysan fuliyay

0
691

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliye ee Kumaandoosta DANAB ayaa lagu Soo waramayaa inay Fuliyeen Howlgalka qorsheysan oo ka dhacay Deegaanka Cali Boorow oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay Xubno ka tirsana Ururka Al-Shabaab una qaabilsanaa Ururinta lacagaha laga qaado dadka ku nool degaanka Cali Boorow.
Sidoo kale saraakiisha waxaay sheegeen in weli howgallada ay ka socdaan degaanka Cali Boorow & degaannada kale ee ku dhow dhow si looga saaro Xubnaha Al-Shabaab ee mararka qaar degaannadaasi taga.
Majirin intii uu socday howlgalka dagaal dhex-maray ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo Al-Shabaab, balse waxaa la sheegay in Ciidamada sidoo kale ay guri Guri u baarayeen degaanka Cali Boorow ee Gobalka Shabeellaha Hoose.
Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar dagaal uu ku dhexmaraa Ciidamada dowladda & Al-Shabaab kadib Al-Shabaab oo weerara saldhigyada Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM.