
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in tirada kenyaanka ee markii labaad laga tallaalay cudurka COVID19 ay tahay ugu yaraan 13,194 oo qof.
6,337 oo ka mid ah tiradan waa saraakiisha caafimaadka , dadka ay da’doodu tahay 58 sano iyo wixii ka sarreeya ee la tallaalay waa 2,411, qaybaha kale ee bulshada 2,575, macallimiinta 1,161 iyo saraakiisha ammaanka oo gaaraya 714.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa laga soo xigtay in wajigii koowaad ee tallaalka ay ka faa’iidaysteen 975,835 ruux guud ahaan wadanka.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo ilaa iyo hadda 172,639 ruux uu gudaha Kenya ku haleelay cudurka COVID19.
Waxaa sidoo kale xanuunka ka caafimaaday 118,226 halka dhimashada guud ee ka dhalatay ay tahay 3,308.