Siyaasiyiinta laga soo doortay ismaamullada gobolka Rift Valley ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu xaqiijiyo dhameystirka mashaariicda horumarineed ee uu hakadka ku yimid.
Madaxdan oo uu hor kacaya guddoomiyaha ismaamulka Turkana Josphat Nanok ayaa maamulka talada haya ee Jubilee uga mahadceliyay mashaariicda uu xarigga kaga jaray qaybaha kala duwan ee wadanka.
Hasa ahaate waxay carrabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in aan la hilmaamin dhameystirka barnaamijyada dhanka horumarka ee Rift Valley
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bahati ee ismaamulka Nakuru Kimani Ngunjiri ayaa dhanka kale sheegay in ay si weyn uga shaqeyn doonaan midnimada shacabka iyo nabad galyada.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha Rift Valley oo dalbanaya in la dhameystiro mashaariicda horumarineed