DHAGEYSO:Soomaaliland oo Maanta ay ka dhacayso doorasho Dimuquraadi ah

0
592

Waxaa saaka waabarigii hore Guud ahaan degaannada Soomaliland si Simana uga bilaawday doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo degaanka oo markii ugu horreeysay isku sidkan kuwaasoo la qabanayo Mudo 15 sano ah kadib.
Doorashada ayaa waxaa ka codeynaya in ka badan ( Hal Malyan) oo qof, waxaana tartamaya ku dhawaad 1,000 ( Kun) Musharax oo u kala tartamaya Golaha Wakiilada iyo degaanka ee Soomaaliland.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo subaxnimadii hore ee saaka codkiisa ka dhiibtay xarunta hay’adda shaqaalaha oo uu hore uga qaatay kaarka codbixinta, ayaa shacabka kula dardaarmay inay si nabadgalyo ah ku codeeyaan.

Xubno kamid ah guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa sheegay in doorashadaan ay hagayan in ka badan 14,000 ( Toban & Afar kun) oo Shaqaale, sidoo kale ay kor-joogto ka yihiin 700 oo Wufuud Caalami ah.
Ammaanka Guud ee degaannada Soomaaliland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la joojiyay dhamaan isku socodka Gaadiidka marka laga reebo kuwa ka qeyb qaadanaya howlaha doorashooyinka.
Booliska Somaliland waxay la socodsiiyeen guud ahaan Shacabka in la joojiyay Dhaq-dhaqaaqa gaadiidka kala duwan,Isla-markasna ay xiran yihiin Xududaha Dhulka,Cirka iyo Baduba laga bilaabo 3:00am aroornimo ilaa 6:00pm ee isniinta Maanta ah 31May.
Kaliya waxa dhaq-dhaqaaqa loo ogolyahay Gaadiidka haysta Ruqsadda Lambarka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa lagu adkaynayaa Laamaha ammaanku inay si buuxda u fuliyaan awaamiirtaas kor-ku-xusan Cidii ka hor timaadana gacan bir ah ayaa lagu qabanayaa.
Qaar ka mid Masuuliyiin Soomaaliland ee Kormeerayay Goobaha Codbixinta ayaa ka hadlay waxaay doorashadaan uga dhigan tahay Soomaaliland waxayna sheegen waxyaabaha ay ku soo arkeen goobihii ay booqdeen.

Madxweyne Ku xigeenka Soomaaliland C/raxmaan Saylici iyo Masuuliyiin kale ayaa Magaalada Boorama ka daahfuray Codaynta Waxayna Bulshada kula Dardaarmeen inay si wanaagsan oo Samir leh u codeeyaan.

Shacabka Saaka Xili Hore tagay goobaha Codbixinta ayaa dhankooda ka hadlay Doorashadaan Soomaaliland ka dhacaysa ee Goleyaasha Wakiilada iyo deegaanka.

Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa isha ku haya doorashooyinka ka socda Guud ahaan degaannada Soomaliland, waxaana dhaqaalaha ugu badan ee ku baxaya doorashada bixinaya Xukuumadda Soomaaliland iyo qaar kamid ah dowladaha taageera.