Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay go’aankii 5 ka mid ah garsoorayaasha wadanka ay 13-kii bishan waxba kama jiraan kaga soo qaadeen qorshaha sharci beddelka ee bbi.
Mudanaha ayaa sheegay in xaakinnada ay cadeyeen in geeddisocodkan aan lagu soo dhisin qaab waafaqsan xeerarka dalka.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in ismaamullada gobolka waqooyi bari aynan qoondo ka helin 70 deegaan baarlamaneed oo la soo jeediyay in la soo kordhiyo.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in taageerada siyaasadeed ee loo muujinaya hoggaamiyaasha ugu sarreeya ay noqoto mid ku saleysan gorgortan iyo faa’iido ay ka helayaan labada dhinac ee is beheysanaya.