Doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanada Soomaaliland oo Maanta dhacaysa.

0
739

Waxaa saaka Guud ahaan degaannada Soomaliland si Simana uga bilaawday doorashada Golaha Wakiilada iyo degaanka oo markii ugu horreeysay si isku mid ah u dhacaya.
Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galaya oo codeynaya in ka badan ( Hal Malyan) oo qof , waxaana tartamaya ku dhawaad 1,000 ( Kun) Musharax oo u kala tartamaya Golaha Wakiilada iyo degaanka ee Soomaaliland.
Xubno kamid ah guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa waxaay sheegeen in doorashadaan ay hagayan in ka badan 14,000 ( Toban & Afar kun) oo Shaqaale, sidoo kale ay kor-joogto ka yihiin 700 oo Wufuud Caalami ah.
Ammaanka Guud ee degaannada Soomaaliland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la joojiyay dhamaan isku socodka Gaadiidka marka laga reebo kuwa ka qeyb qaadanaya howlaha doorashooyinka.
War qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Soomaliland oo la xiriiray ammaanka
Ciidanka Booliska Somaliland waxay la socodsiiyeen guud ahaan Shacabka in la joojiyay Dhaq-dhaqaaqa gaadiidka kala duwan,Isla-markasna ay xiran yihiin Xududaha Dhulka,Cirka iyo Baduba laga bilaabo 3:00am aroornimo ilaa 6:00pm ee isniinta Maanta ah 31May.
Kaliya waxa dhaq-dhaqaaqa loo ogolyahay Gaadiidka haysta Ruqsadda Lambarka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa lagu adkaynayaa Laamaha ammaanku inay si buuxda u fuliyaan awaamiirtaas kor-ku-xusan Cidii ka hor timaadana gacan bir ah ayaa lagu qabanayaa
Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa isha ku haya doorashooyinka qofka iyo Codka ah ee ka socda degaannada Soomaliland, waxaana dhaqaalaha ugu badan ee ku baxaya doorashada bixinaya Xukuumadda Soomaaliland iyo qaar kamid ah dowladaha taageera.