Madaxweynaha dalka oo maanta tagaya ismaamulka Kisumu

0
401

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu maanta gaaro ismaamulka Kisumu ee gobolka Nyanza.
Mr. Kenyatta iyo marwada koowaad ee dalka Margaret Kenyatta ayay halkaasi uga billaaban doontaa booqasho saddex cisho ah.
Waxaa madaxweynaha safarkiisa Kisumu ku wehelin doono madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, baarsaabka Kisumu Prof Anyang ‘Nyong’o iyo madax kale.
Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furi doono mashaariicda dowladda ay halkaasi ka fulinaysay ee la dhameystiray , waxaa uu kormeer ku sameyn doonaa barnaamijyo hadda gacanta lagu hayo halka uu dhagax dhigi doono kuwo cusub.
Dhanka kale 1-da bisha lixaad ee sanadkan oo Talaadada ku beegan ayuu madaxweyne Uhuru Kenyatta Kenyaanka ku hoggaamin doonaa xuska maalinka qaran ee Madaraka oo sanadkan lagu qabanaya Kisumu.
Waa sanadkii 58-aad oo gudaha wadanka dabaaldegga Madaraka Day uu ka dhacaya.