Shil gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe

0
444

Wararka ka imaanaya Duleedka Degmada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan inuu Xalay halkaas ka dahcay Shil Gaari oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac dadkii gaariga la socday Soo gaaray.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu Gaari nooca dadweynaha ah oo ka yimid degaanka Laacdheere oo 20km u jira Magaalada Garoowe uu ku rogmaday halkii laga raray meel ku dhow oo ahayd Koontoroolka Galbeed ee Magaalada Garoowe.
Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in Gaariga ay saarnaayeen 10 Ruux oo isugu jira Rag & Dumar, isla markaana shilka ay ku geeriyootay Haweeneey kamid aheyd rakaabka halka Shan Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay in Darawalkii waday Gaariga uu markii hore goobta ka baxsaday, hayeeshee howlgal ay sameeyeen Ciidadama amaanka ay gacanta kusoo dhigeen, waxaan a uu digniin u diray wadayaasha Gaadiidka sida xowliga ah ku kaxeeya.
Shilkan ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmo ka hor meel aan ka fogeen halka uu shilkaan ka dhacay uu ku rogmaday Gaari uu wade ka ahaa sida la sheegay Fanaanka Sharma Boy, isla markaana shilkaasi ay ku geeriyootay Gabar la socotay dad u isaga kamid yahayna ay ku dhaawacmeen.