Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa soo dhaweeyay soo jeedin ka timid guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Guddigan ayaa ku taliyay in jaamacadaha ay meesha ka saaraan kooska ama barashada macallinimada ee heerka Degree.
Arrinkan ayaa saameynaya macallimiinta wax ka dhigo dugsiyada sare ee dalka.
Magoha ayaa xusay in ay sax tahay soo jeedinta TSC ee ah in la barto culuunta sayniska ka dibna ardayda ay hal sano oo dheeraad ah bartaan macallinimada.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in tani ay horseedayso in sare loo qaado tayada barayaasha wax u dhigaya ardayda qaadanaya manhajka cusub ee CBC.