Madaxweynaha Burundi oo dhawaan dalka soo gaari doono

0
570

Waxaa lagu wadaa in madaxweynaha wadanka Burundi Evariste Ndayishimiye uu boqasho rasmi ah ku yimaada dalka 31-da bishaan ee maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe.
Waxaa uu ka qayb geli doona dabaal degga maalinka qaran ee Madaraka Day ee ku beegan 1-da bisha Lixaad ee Juun.
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan dowladda, madaxweyne Ndayishimiye ayaa laga yaabaa inuu yahay hoggamiyaha kaliya ee shisheeye ee ka qayb noqon doona munaasabaddan.
Xuska Madaraka Day ayaa sannadkii labaad ku soo aadaya iyadoo dalka uu ka jiro cudurka saameynta yeeshay ee Covid-19.
Waxaana kaliya 3,000 oo qof loo ogolaan doonaa inay ka qeyb galaan dabaaldega maalinta Madaraka day
Dabbal degga ayaa sanadkan lagu qaban doona ismaamulka Kisumu.
Xuskan oo la qabto 1-da bisha lixaad ee sannad kasta ayaa loogu dabaal degaa xilligii ay Kenya 1963-dii madax bannaanida ka qaadatay guumeystihii ingiriiska.