DHAGEYSO:Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Wasiirka iskaashiga Sweden

0
587

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Wasiirka iskaashiga Sweden
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliy Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wafdi uu hogaaminaayay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Dalka Sweden iyo Safiirka dowladda Sweden ku Matalaya dalka Soomaaliya.
Masuuliyiintaan ka tirsan dowladda Sweden ayaa waxay sheegeen inay Maamulka Caasimadda Soomaaliya ku garab istaagayaan Howlaha Muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan gaar ahaan dhinacyada Hormarka,Caafimaafka iyo dib u dhiska Magaalada Muqdisho.
Ka dib markii uu Kulankaan soo gabagaboobay ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir wuxuuna Faahfaahin ka siiyay qodobada ugu Muhiimsan ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wafdiga Dowladda Sweden ka socda ay ka wada Hadleen.